Dhul gariir ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Iiraan

0
95

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta rasmiga ah ee Iran, ayaa ku warantay in dhul gariir uu ka dhacay waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo ruux oo kalana way ku dhaawacmeen.

Kooxaha gurmadka oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa tagay gobolka Galbeedka Asarbayjan, ee uu saameeyay dhulgariir kaasi ka dhacay, si ay u ogaadaan khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaasi.

Sida xogta lagu helayo, dhul gariir kani, ayaa wuxuu sababay burburka guryo, iyo dhismayaal kale oo ku yaalla magaalada Khoy.

Kooxaha la socodka iyo daba galka, ayaa waxay diiwaangeliyeen dhul-gariir oo cabbirkiisu ahaa 5.9, darajooyinka lagu cabiro dhul gariirka..

Iran ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhulgariir, sababo la xiriirta juqraafi ahaan meesha ay ku taal.