Baladweyne (Radio Beerlula)-Isku-duwaha wasaaradda Cafimaadka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Xasan Axmed Barqadka ayaa lagu wareejiyay dhul ku yaalla xaafadda Kooshin kaasi uu ku yaboohay wasaaradda caafimaadka Nabadoon Nuur Cali Macoow si loogu dhiso xarumo Caafimaad oo bulshada loogu adeego.
Goobta lagu wareejinayay dhulkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno kamid ah bahda Caafimaadka gobolka Hiiraan iyo Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Hirshabelle Cabdullaahi Cabdiwaaxid Taxaab.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin