Dhulgariir kale oo ku dhuftay dalka Turkiga.

0
141

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Samatabixiyeyaasha ayaa mar kale baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay ee Turkiga, kaddib markii dhulgariir hor leh u uku dhuftay dalkaas, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof.

Dhulgariirkan ayaa cabbirkiis lagu sheegay 6.4 iyo 5.8 kaasoo ku dhuftay koofur-bari meel u dhow xadka Suuriya, halkaasoo lixdii bishan ay ku dhufteen labo dhulgariir oo labadaba dalba saameeyay.

Dhulgariirradii hore ayaa 44,000 oo qof ku dilay Turkiga iyo Suuriya iyadoo tobnaan kun oo kalena ay hoy la’aan noqdeen.

Dhismooyinbka ay hore u jilciyeen dhulgariirrada ee labada dal ayaa dumay.

wasiirka arrimaha gudaha, Süleyman Soylu, ayaa dadka ugu baaqay inaysan gelin dhismooyinka khatarta ku jira.

Soylu ayaa sheegay in 213 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen.