Dhulgariir ku dhuftay Turkiga

0
79

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dhulgariir ayaa ku dhuftay xeebta Gemlik Bay ee Badda Marmara ee dalka Turkiga, abbaaro 10.42 GMT xilliga dalkaas.

Cabbirka dhulgariirka ayaa ahaa 5.1 sida ay shaaciyeen waaxda maareynta musiibooyinka dalkaas ee AFAD.

AFAD ayaa ku dhawaaqday in xuddunta dhulgariirku ay ahayd degmada xeebta dhacda ee Mudanya.

Dhulgariirka ayaa xooggiisa sidoo kale laga dareemay gobollada Bursa, Istanbul, Tekirdağ, Çanakkale iyo Izmir.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Ali Yerlikaya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ee hore loo yaqaannay Twitter) ku sheegay inuu haatan socdo baaritaan.