Dhulgariir ku dhuftay xarunta Hollywood kadib abaalmarintii Oscars.

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dhulgariir cabirkiisu yahay 3.9 magnitude ayaa ku dhuftay xarunta aflaanta ee Hollywood ee magaalada Los Angeles kadib markii jilaayaasha caanka ah ee caalamka ay bilaabeen dabaal degga abaalmarinta Oscars.

Xadunta dhulgarirka ayaa la ogaaday inay tahay buurta waqooyiga Hollywoodka, taas oo dhowr meeyl u jirta halka ay ka dhacday xafladda abaal marinta Dolby Theatre.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo soo baxay oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dhulgariirkaas, gaar ahaan burbur ama dhaawacyo.

Xarunta dabagalka ku sameysa dhacdooyinkan oo kale ee Mareykanka, ayaa sheegtay in dhulgariirku laga dareemay goob fog oo Los Angeles ah.

Dhulgariirkan ayaa kamid ah 40 kale oo ku dhuftay koonfurta California, tan iyo sabtidii, inkastoo ay ahaayeen kuwo ay dadka aad u dareemin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here