Dhulgariir xoog leh oo dhowr dal laga dareemay oo ku dhuftay Myanmar.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dhul gariirka cabirkiisu uu gaarayo 7.7 ayaa ku dhuftay bartamaha Myanmar, iyada oo gariirkiisa laga dareemay Shiinaha iyo Thailand, waxaana muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ay muujinayaan dhismayaal ku yaala Bangkok oo la baneynayo, dadkuna ay waddooyinka isugu soo aruurayaan.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahanka juqraafiga Maraykanka USGS, xuddunta dhulgariirka ayaa dhacda 16km Waqooyi Galbeed magaalada Sagain ee Burma, kuna dhow magaalada Mandalay. Aaggan ayaa ilaa 100km Waqooyi ka xiga caasimada Naypyidaw.

Dad badan ayaa la la’yahay, ka dib dabaq uu dhisme ku socday uu burburay.

Ilaa 43 qof oo shaqaale ah oo ku dhex jiray dhismaha oo ku yaala Bangkok ayaa la baadigoobayaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta Thailand.

Machadka qaran ee caafimaadka degdegga qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen ilaa 7 ka mid ah shaqaalaha inay soo badbaadeen, 43 kalana la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here