Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Istanbuul

0
141

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waaxda musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in dhowr dhulgariir oo is xigxiga ay muddo daqiiqado gudahood ku dhufteen qeybo ka mid ah magaalada Istanbuul, dhammaantoodna waxay ka dhaceen meelaha ku dherersan Badda Marmara.

Waa dhulgariirkii labaad oo cabbirkiisu yahay 6.2 oo ku dhufta Istanbuul oo ay ku nool yihiin  16 milyan oo ruux.

Waa magaalada ugu weyn Turkiga halkaasoo ay ku nool yihiin shan meelood meel bulshada dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhulgariirkan aan keliya laga dareemin Istanbuul balse sidoo kale uu saameeyay gobollada ku hareereysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here