Dib u dayactir lagu bilaabay meelo uu ka fatihi jiray webiga shabeelle oo ku taalla duleedka Jowhar.

0
146

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda beeraha iyo waraabka Hirshabelle ayaa dib u dayactir ku bilowday goobo uu ka fatihi jiray webiga shabeelle marka uu buux dhaafo oo ku yaalla Tuulaad Moyog oo hoos taga magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Goobahan uu ka fatihi jiray webiga shabeelle ayaa la dhigay caro tuur si looga hortago fatahaada uu geysto webiga marka uu buux dhaafo.

Wabixintaan waxa soojeedinaysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.