Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Magaalada Baydhabo ka dhagax-dhigay dib-u dhiska Suuqa Xoolaha magaalada Baydhabo iyo xarunta shaybaarka Xoolaha.
Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Xuseen Maxamed,wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sandheere Maxamed iftin,maamulka Magaalada Baydhabo iyo qaar kamid Bulshada magaladaasi.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


