Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa fuulay saqafka guriga ra’iisul wasaaraha Britain ee waqooyiga Ingiriiska, si ay uga mudaaharaadan siyaasadda Raysal wasaare Sunak ee shidaalka.

Mudaaharaadayaasha ururka nabadda cagaaran ayaa dhinacyada saqafka dhismaha ka lulay calallo madow.

Rishi Sunak ayaa toddobaadkan ansixiyay boqollaal shatiyo ah oo lagu soo saarayo saliid iyo gaas hor leh oo laga helay badda Waqooyi ee boqortooyada, taas oo ka cadhaysiisay qolyaha u dooda bedqabka deegaanka.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku adkeysanaya in shatiyadu ay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta amniga tamarta.

Raysal wasaare Sunak ayaa hadda fasax kula maqan qoyskiisa gobolka California ee dalka Maraykanka.