Dibadbaxyo dumarka laga mamnuucay” oo ka dhacay Pakistan.

0
289

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kolonyo baabuur ah oo ay saaran yihiin rag wada gar waaweyn oo lulaya calan midabbadiisu isugu jiraan madow iyo caddaan ayaa dhawaan isugu soo baxay gudaha magaalada Islamabaad ee caasimadda dalka Pakistan.

Ujeeddada raggani ayaa ahayd in magaaladaasi ay ka dhigaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda ra’iisalwasaare Cimraan Khaan oo xilka haysay muddo ka yar 18 bilood.

Inta badan raggaasi dibadbaxyada dhigayay ayaa ka tirsan xisbiga islaamiga ah ee JUI-F, waxa ayna isaga kala yimaadeen daafaha dalkaasi Pakistan.

Balse dibadbaxyadaasi ayaa aad uga duwnaa kuwa ka dhacayay daafaha kale ee caalamka, waayo dadka dibadbaxyada dhigaya kuma aysan jirin dumar.

Ka hor inta aan la shaacin dibadbaxaasi ayaa xisbigaasi waxa uu baahiyay qoraallo dumarka ka mamnuucaya in ay dibadaxyada ka qeybqaataan, taa badalkeena waxaa lagu amray in ay guryahooga ku ekaadaan, ayna ragga dibadbaxyada dhigaya u soo duceeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here