Dibadbaxyo kale oo ka dhacay Bangladesh.

0
81

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mudaaharaadyo rabshado wato ayaa mar kale ka dhacay dalka Bangladesh, iyadoo ay booliska iyo ardayda horkaceysa dibadbaxyada ay iskula dhaceen qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Dhaka.

Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa, iyaga oo mararka qaarna ridayay rasaas nool.

Warbaahinta gudaha ee dalka Bangladesh ayaa ku warramay in adeegyada tareennada laga joojiyay guud ahaan waddanka, kaddib marki ay dibadbaxayaasha xireen waddooyin, halka kuwo kalana ay dhagxaan ku tuurayeen ciidamada amniga.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dawladda la siiyo qaraabada dadkii ka soo qeyb galay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee 26-kii March sannadkii 1971-kii.