Diblumaasi Maraykan ah oo basaas u ahaa Cuba oo lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

0
80

Baladweyne (Radio Beerlula)-Diblomaasi hore oo mar soo noqday safiirka Mareykanka ee Bolivia ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu basaas u ahaa Cuba.

Victor Manuel Rocha, oo 73 jir ah, ayaa si qarsoodi ah xogta ugu gudbinayay dowladda Cuba in ka badan 40 sano, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Bishii Febraayo, Rocha wuxuu bedelay qirashadiisii hore ee diidmada dembiga ee maxkamadda Miami wuxuuna hubiyay in aan dacwad lagusoo oogi doonin.

Kiiska basaasnimada ayaa ka mid ah wax ugu weeyn ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuba.

Isagoo ku labisan dharka xabsiga Jimcihii, Rocha ayaa u sheegay maxkamadda federaalka ee Miami: “Waxa aan qirtay dambiga.”
Xabsiga ka sokoow, Rocha waa inuu sidoo kale bixiyaa ganaax dhan $500,000, waana in uu iskaashi la sameeyaa maamulka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Merrick Garland ayaa dambiyada Rocha ku tilmaamay “mid ka mid ah soo galootiga ugu sareeyay uguna waqtiga dheeraa dowladda Mareykanka ee wakiil ajnabi ah”.
Waxa uu Ku dhashay Kolombiya, wuxuuna wax ku bartay Yale iyo Rocha iyo Harvard, waxa uu kusoo shaqeeyay safiirka Maraykanka ee Bolivia intii u dhaxaysay 1999 iyo 2022, iyo sidoo kale meelo kala duwan oo kale oo holwo diblomaasiyadeed ah sida Argentina, Honduras, Mexico iyo Jamhuuriyadda Dominican.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay howlo kale oo dawladeed, oo ay ka mid tahay Golaha Amniga Qaranka.
Ka dib markii ay dhamaatay shaqadiisii dublamaasiyadeed, Rocha waxa uu lataliye u noqday taliska koonfureed ee ciidamada Maraykanka, kaas oo kormeera dhammaan Latin America iyo Kariibiyaanka oo ay ku jirto Kuubada shuuciga ah.