Didier Deschamps Oo Soo Saaray Xulka Qaranka France Ee Isreeb-reebka Euro 2024

0
83

Baladwayne  ( Radio Beerlula  )-Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka dalkiisa ee kulamada isreeb-reebka Euro 2024 ee bisha November, waxaana lagu soo daray xiddiga da’da yar ee PSG ee Warren Zaïre-Emery.

Didier Deschamps ayaa waxa uu xulka dalkiisa ka reebay N’Golo Kante oo tegay waddanka Sucuudiga oo uu kooxda Al-Ittihad kula midoobay Karim Benzema oo isaguna ka fadhiistay xulka markii ay isku dhaceen tababare Deschamps.

Warren Zaïre-Emery ayaa noqon doona ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee u safta xulka qaranka France, waxaana uu jabin doonaa rikoodhkii Eduardo Camavinga oo ah ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee u safta xulka dalkaas tan iyo sannadkii 1945kii.

Waxa uu Zaire-Emeery beddelay Aurelien Tcouameni oo ku dhaawacmay ciyaartii El Clasico ee Real Madrid ay guusha kaga soo gaadhay Barcelona, sidoo kalena waxa maqan Benjamin Pavard oo aan loogu yeedhin xulka.

Xulka qaranka France ayaa waxa ay la ciyaari doonaan Gibraltar iyo Greece oo ay November.

Liiska xulka qaranka France ee kulamada Gibraltar iyo Greece ee isreeb-reebka Euro 2024

Goolhayeyaal: Alphonse Areola (West Ham), Mike Maignan (AC Milan), Brice Samba (Lens)

Difaacyahanno: Jonathan Clauss (Marseille), Lucas Hernandez (PSG), Theo Hernandez (AC Milan), Ibrahima Konaté (Liverpool), Jules Koundé (Barcelona), William Saliba (Arsenal), Jean-Clair Todibo (Nice), Dayot Upamecano (Bayern Munich)

Khadka Dhexe: Eduardo Camavinga (Real Madrid), Youssouf Fofana (Monaco), Boubacar Kamara (Aston Villa) Adrien Rabiot (Juventus), Warren Zaïre-Emery (PSG)

Weeraryahanno: Kingsley Coman (Bayern Munich), Ousmane Dembélé (PSG), Olivier Giroud (AC Milan), Antoine Griezmann (Atlético Madrid), Randal Kolo Muani (Frankfurt), Kylian Mbappé (PSG), Marcus Thuram (Inter Milan)