Didiinkii sida weyn looga qadarin jiray Nigeria oo geeriyooday.

0
293

Baladweyne(Radio Beerlula)- Saraakiil gacanta ku heysa guri boqortooyo oo ku yaal dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in Diin ku noolaa halkaas uu ku dhintay da’da 344, Diinkan oo la oran jiray Alagba oo micnaheedu yahay ‘Kii da’da weynaa’ wuxuu ku noola guriga boqortooyada ee Ogbomoso ee gobolka Oyo ee waddankaas.

Diinkan waxaa bil kasta dhaqaalen jiray labo shaqaale oo howshoodu aheyd inay cunto siiyaan.

Dadweynaha waxay rumeysanaayeen inuu lahaa awood dabiici ah uu wax ku daweyn karo isla markaasna waxaa looga soo daawasho tegi jiray deegaanno fog fog.

Noolahan wuxuu ahaa mid si weyn loo qaddarin jiray, waxaana guriga boqortoyada keenay boqorkii saddexaad ee maamulkaas soo maro sanadihii 1770 iyo 1797.

Khuburrada seyniska waxay su’aal geliyeen da’da Diinka halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan suurogal aheyn in 344 uu jiray Diinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here