Diidiin loo dhigayo xuska dhalashadiisa 191-aad.

0
156

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Diidiinka ugu da’da weyn dunida oo lagu magacaabo, Jonathan oo ku nool dalka Seychelles, ayaa toddobaadkaan loo dhigaya munaasabad loogu dabaal dagayo dhalashadiisii 191-aad. Wuxuu dhigay rikoor cusub isagoo noqday Diidiinka dunida ugu da’da weyn ee abid la diiwaan geliyo.

Jonathan ayaa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkiii1832, ka hor intii aan la hindisin waxyaabo badan oo dunida maanta si weyn looga adeegsado sida teleefoonnada iyo waxyaabo kale.

Mudadii uu noolaa waxaa dalka Mareykanka soo maray 40 madaxweyne, halka 31 guddoomiye ay soo mareen Saint Helena oo ah jasiiradd yar oo ku taalla badda Atlantic.

Diidiinka noociisa ah ayaa la sheegaa in ay noolaan karaan celcelis ahaan 150 sano.

In kasta oo uu da’ weyn yahay, Jonathan haddan dhakhtarka xayawaanaadka Joe Hollins ayaa u sheegay Guinness World Records. “in tabardarri ay ka muuqato hadda Diindiinkaa.