Dinamo Zagreb oo guul ka gaartay Chelsea kulankeeda koowaad tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2022/23

0
177

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Kulamada ugu horreeya heerka guruubyada Champions League xilli ciyaareedkan ayaa caawa la ciyaara, iyadoo kooxo waa weyn oo ka socda horyaallada kala duwan ee Yurub ay dheeleen.

Difaacada yaasha tartankan ee Real Madrid ayaa guul kaga daah furatay kulankeeda koowaad UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkan 2022/23, kaddib markii ay 0-3 kaga adkaatay Celtic, goolasha Los Blancos waxaa u kala dhaliyay V. Junior, Modric, iyo Hazard.

Dhankeeda kooxda Manchester City ayaa guul ka soo gaartay kooxda reer Spain ee Sevilla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-4, City waxay goolasha ka kala heshay xiddigaheeda kala ah Haaland iyo Foden, R. Dias.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale guul kaga daah furatay kulankeeda koowaad UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkan 2022/23, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Juventus, labada gool ee PSG wxaa u dhaliya Mbappe.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group E

Dinamo Zagreb 1-0 Chelsea

FC Salzburg 1-1 AC Milan

Group F

Celtic 0-3 Real Madrid

RB Leipzig 1-4 Shakhtar Donetsk

Group G

Borussia Dortmund 0-3 FC Copenhagen

Sevilla 0-4 Manchester City

Group H

Benfica 2-0 Maccabi Haifa

Paris Saint-Germain 2-1Juventus.