Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradah Hindiya oo dhacday.

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Diyaarad xamuul ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradah Air India nuuceeduna yahay Boeing 787-8 Dreamliner ayaa ku dhacday magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya.

Diyaaraddan oo siddey in ka badan 230 oo rakaab ah, kuna sii jeeddey magaalada London ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka kacday gigida Ahmedabad taasoo ku dhacday dhisme ku dhow garoonka.

Dadka ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa kala ah 169 muwaadiniin oo u dhashay dalka Hindiya, 53 muwaadiniin Ingiriis ah, hal muwaadin oo u dhashay Kanada, iyo toddoba qof oo u dhalatay boortaqiis.

Shirkadda diyaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaallada ugu dhow halka shilku ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here