Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciidammada cirka ee Singapore ayaa labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah u diray diyaarad soo socoto oo wadda rakaab shacab ah ka dib markii la sheegay in bam uu saaran yahay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Bamkaas ayaase markii dambe la ogaaday in uu been yahay.
Diyaaradda oo ay saarnaayeen 144 ruux oo rakaabka ah waxaa lahayd shirkadda Scoot, duulimaad lambarkeeduna wuxuu ahaa TR385, waxay ka soo duushay Philippines Axaddii, markaas oo booliiska lagu wargaliyay halis ammaanka ku soo foolleh.
Wiil 13 jir ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu eedeeyay in uu bamka beenta ah ka dambeeyay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Hadda booliiska ayuu kala shaqaynayaa baaritaanka ay wadaan, sida ay wararku sheegayaan.