Baladweyne(Radio Beerlula)- Diyaarad ah ku xamuulka qaada oo ah nooca Antonov ayaa ku burburtay meel u dhaw garoonka Lviv ee galbeedka dalka Ukraine maanta oo jimca ah.
Shilkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof.
Diyaaradani oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Ukraine Air Alliance ayaa waxaa ka dhamaaday shidalka ka hor intii aan la gaarin xilligii ay ku sii hakan lahayd Lviv.
Diyaaradda ayaa waxay ka timid dalka Spain waxayna ku sii jeeday magaalada Istanbul, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaadiidka Ukraine Vladislav Krikliy.
Wuxuu qorshuhu ahaa in ay shidaal ka sii qaadato magaalada Lviv.
Wasaarada ayaa intaa ku dartay in diyaaradan ay saarnaayeen 7 shaqaala ah iyo ninkii la socday xamuulkii ay waday.