Baladweyne ( Radio Beerlula)-Magaalada Burtiinlle ee gobolka Nugaal ayaa lagu soo bandhigay diyaarad yar oo macmal ah uu farsameeyay Axmad Xasan kaasi kamid ah dhallinyarada magaaladaasi .
Diyaaradaan oo laga sameeyay waxyaabo laga soo aruuriyay goobaha qashinka ayaa lagu tijaabiyay duleedka degmada Burtiinlle iyadoo loo isticmaalay ramuutka wax lagu hago kaas oo fududeeyay in si guul ah aay ku takto qeybo kamid ah hareeraha magaalada halkaas oo ay ka daawanayeen ,xubno kamid ah maamulka degmada,odayaal iyo dhallinyaro .
Warkan waxaa inoo haayo Cabdiqaadir Cumar Ibraahin


