Diyaaradda kenya Airways oo laga leexiyay inay ka degto garoonka Heathrow.

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliska UK ayaa xaqiijiyey in duullimaad ay ledahay shirkadda dayaaradaha ee Kenya Airways oo ku sii jeedday garoonka dayaaradaha ee Heathrow ee London ayaa lagu amray in ay ku degto garoonka Stansted ee waqooyiga bari ee London.

Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira galabnimadii 12 Oktoobar.

Sababta leexinta waxaa lagu sheegay in ay tahay khatar amniga ku saabsan, ayadoo warbaahinta maxalliga ahna ay werinayeen in kooxaha bambooyinka ku takhasasusay la arkayey ayagoo halkaa iu sii degdegaya.

“Waxaan wakhtigan la tacaalaynaa xaalad ka taagan garoonka Stansted. Dayaarad ka timid Nair obi oo u socotay Heathrow ayaa loo leexiyey Stansted galabta (Khamiid 12 Oktoobar). Garoonka weli waa uu furan yahay” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska Essex soo dhigay barta X.

Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga hortegey dayaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ka dib markii degdeg loo wargeliyey. Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Faransiiska.