Diyaarado duuliye la’aan ah oo hakad geliyey hawlihii garoonka Copenhagen.

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalalka Denmark iyo Norway ayaa ku khasbanaaday in ay xiraan garoomadooda diyaaradaha, ka dib markii laga war helay diyaarado aan duuliye lahayn oo dul heehaabaya.

Booliska Denmark illaa hadda ma sheegin tirada iyo nuucyada diyaaradaha lagu arkay nawaaxiga Copenhagen Airport, laakiin waxay qireen in diyaaradaha ay sida muuqata hagayeen dad aqoon u leh hawsha ay hayeen.

Boolisku waxay intaas ku dareen in heegan la geliyey ciidamada qalabka sida, balse aysan u muuqan halis ay diyaaradahaas dadka iyo deegaanka ku hayeen.

War ka soo baxay mas’uuliyiinta garoonka Copenhagen ayaa dadka looga digey suurtogalnimada daah iyo dib-dhac ku yimaada dhoofka, balse waxaa hawlaha garoonka dib loo furay, ka dib afar saac oo hawadu xirnayd.

Taliye ku-xigeenka Booliska Denmark Jakob Hansen ayaa mar wax laga weydiiyey suurtogalnimada in diyaaradahan laga soo diray Ruushka, wuxuu ku gaabsaday in uusan xaqiiqo hayn.

Laakiin waxaa hubsiimo la’aanta ka faa’ideystey madaxweyne Ukraine Volodymyr Zelensky oo baraha bulshada ku qoray Ruushku ku soo xadgudbey hawada NATO 22-kii Sebtember.

Balse hoggaamiyeyaasha EU iyo NATO middoodna kama hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here