Diyaarinta manhajka Qaran ee qiimeynta mashaariicda dalka oo ka furmay Muqdisho

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Munaasabad lagu shaacinayay daahfurka Diyaarinta Manhajka Qiimeynta Qaranka iyo Habraaca/Hagaha Qiimeynta Mashaariicda Dalka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, NGO-yada Caalamiga ah, Ururada Bulshada Rayidka, Bahda Waxbarashada, iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim