Donald Trump oo loo haysto hees ay lahayd gabar muslimad ah oo uu fagaare kaga jaasay

0
38

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee Mareykanka haddana ah mushasrraxa xilka u taagan in uu mar kale kursiga ku soo laabto ayaa loo haystaa xaquuqda hees uu fagaare ka daaray si uu taageereyaal u soo jiito.

Heestan oo la yiraahdo ‘Nothing Compares 2 U’ oo micnaheedu yahay ‘Wax laguu dhigaan jirin’ waxaa horay u qaadday fannaanad dhawaan geeriyootay oo u dhalatay dalka Ireland, lana oran jirey Sinead O’Connor, balse markii ay Muslimtay la baxday magaca Shuhada Davitt.

War ay si wadajir ah u soo saareen dadka leh dhaxal fannaanadan iyto shirkaddii heesta soo saartay oo la yiraahdo Chrysalis Records ayey Trump ku cambaareeyeen in meel uga dhacay magaca iyo dhaxaltooyada marxuumadda, maadaama uu idan la’aan iska isticmaalay