Donald Trump oo u “hanjabay” diblomaasi Mareykan ah

0
276

Baladweyne (Radio Beerlula)- Safiir hore oo Mareykan ah, qeybna ka ahayd qorshaha xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegtay in ay dareentay in uu u hanjabay Madaxweynaha, xilli uu taleefonka kula hadlayay dhiggiisa dalka Ukraine.

Haweeneydan oo horay usoo nooqtay safiirkii Mareykanka ee dalka Ukraine, laguna magacaabo Marie Yovanovitch ayaa kulan ay albaaba u xiran yihiin oo ay la yeesheen xubnaha aqalka Kongreska, waxay ku sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay hadalka Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Ukraine u yiri: “Hagaag, [Ms Yovanovitch] waxay mari doontaa wadadii oo kale.”. Arrintaas ayaa warbaahinta qaar ee Mareykanka ay u fasireen in uu doonayay in uu shaqada ka ceyriyo.

Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay qeybtii ugu horeysay ee codka Trump oo qoraal laga dhigay.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu cadaadis saaro dalka Ukraine, si ay baaritaan ugu sameeyaan eedeymo musuqmaasuq oo la sheegay in uu ku kacay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo usoo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee Ukraine.

25-kii bishii Luulyo ee sannadkan, xiligaas oo ay khadka taleefoonka ku wada hadleen labada Madaxweyne ayaa aqalka cad wuxuu baahiyay qoraal aan dhameystirneyn oo ku saabsanaa arrintan, wuxuuna Trump Ms Yovanovitch ku tilmaamay “qof aan u wanaagsaneyn”.

Wicitaankaas khadka taleefoonka ayaa dhaliyay in uu bilawdo qorshaha xil ka qaadista Trump, taas oo keeni karta in soo jeedin xil ka qadis ah la meelmariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here