Donny van de Beek Oo Raaligelin Ka Helay Macalinkiisa Cusub Ka Dib Markii Laga Reebay Tartan Yurub Ah

0
132

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Eintracht Frankfurt Dino Toppmoller ayaa raaligeliyay xiddiga Manchester United Donny van de Beek.

Van de Beek ayaa Frankfurt ugu biiray hishii amaah ah intii uu furnaa suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa bixisay lacag yar oo ay ciyaaryahanka ku heysaneyso inta ka harsan xilli ciyaareedkan, waxaana qiyaar loo siiyay inay 9.3 milyan ginni ku iibsadaan xagaaga.

Laakiin Van de Beek ayaa kaliya seddex kulan u ciyaaray kooxdiisa cusub tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford.

Waxaana laga reebay liiska ciyaartoyda tartanka Europa Conference League ee wareegyada bug baxda iyagoo todobaadkan la ciyaaraya kooxda reer Belgium ee Union Saint-Gilloise.

Tababare Toppmoller ayaana sheegay inay aheyd go’aan adag, wuxuuna ka raaligeliyay xiddiga khadka dhexe ee reer Holland inuu ka reebay liiska ciyaartoyda ee tartanka Europa Conference League.

Tababaraha Jarmalka ayaa yiri: “Waxa uu ciyaaray kaliya afar kulan labadii sannadood ee ugu danbeysay, sidaasi darteed wax walba hal habeen kuma dhici karaan.

“Laakiin boqolkiiba 100 waan ku kalsoonahay tayadiisa, dabcan wuu ina caawin doonaa qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

“Waan raaligeliyay Donny laakiin waxaan sidoo kale u sheegay waxa aan ka filanayo isaga.”