Dooni la qalibantay tahriibayaal ku sii jeeday Uk

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya doon ay la socdeen dad tarhriibayaal ah oo ku qalibantay Kannaalka u dhaxeeya dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska .

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, waxa uu sheegay in loo baahan yahay heshiis socdaalka ku saabsan oo u dhexeeya UK iyo EU, isagoo ku daray: “Waxaan runtii u baahanahay inaan ka wada shaqayno sidii loo joojin lahaa arrimahan dhacaya.”

Gérald Darmanin ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen haween oo ay ku jiraan qaar aan qaan-gaarin.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii doonta saarnaa ayaa ka yimid gobolka Geeska Afrika, sida uu sheegay wasiirku.