Doorashada Baarlamanka Japan oo loo dareeray.

0
61

Baladweyne (Radio Beerlula)- Cod-bixiyayaasha Japan ayaa u dareeray goobaha codbixinta ee doorasho degdeg ah, ka dib dhawr sano oo buuq badan ka dhex jiray xisbiga talada haya oo la kulmay fadeexooyin xoog leh.

Doorashadan oo lagu dooranayo xildhibannada aqalka hoose ayaa waxaa ku  dhawaaqay Shigeru Ishiba, ra’iisul wasaaraha dalkaas,saddex maalmood ka dib markii loo doortay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee LDP – ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhaarin xilka ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga LDP ayaa horaantii sanadka la kulmay fadeexad musuqmaasuq oo dhaqaale ururin la xiriirta oo dhacday.

Sidaas oo ay tahay LDP waa xisbiga ugu adag ee caqabad ku noqday axsaabta mucaaradka oo iyagu ku guuldareystay codka, isla markaana mideyn waayay cududooda si ay codbixiyaasha ugu sheegeen in ay yihiin xisbi qaban kara xukunka.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa helay cod ah 6.6% ka hor inta aan baarlamaanka la kala dirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here