Doorashada baarlamanka Yurub oo la soo gaba gabeeyay.

0
57

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Codbixiyaasha ilaa 21 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka ayaa la soo gaba gabeyay doorashada baarlamaanka Yurub oo socotay saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.

Natiijada kasoo baxdo doorashadan ayaa lagu wadaa in golaha baarlamaanka Yurub ay u jiiddo jihada midigta isla markaana ay ssare u qaaddo tirada dadka aaminsan mabaad’ida waddaniyadda ee qowmiga ah ee reer Yurub.

Doorashadan ayaa qaabeyn doonta sida Midowga Yurub oo ah dallad ay hoos harsadaan ilaa 450 milyan oo ruux, uu u wajahi doono caqabado ay ka mid yihiin Ruushka, loollanka wax soo saarka Shiinaha iyo Mareykanka iyo isbaddalka cimmilada.

Ilaa 400 oo milyan oo qof ayaa cododkooda ka dhiibtay doorashadan, waxana la filayaa in kooxaha midigta ay guulo kasoo hooyaan.

Baarlamanka dalalka Yurub ayaa ka kooban in ka badan 700 oo xildhibaan oo kala matala dalalka Yurub.