Doorashada madaxweynaha FIFA oo lagu qabtay Kigaali

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Kigaali ee dalka Rwanda ayaa lagu qabtay shirka 73-aad ee golaha xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA kaasoo lagu doortay madaxweynaha FIFA.

Madaxweynaha FIFA ayaa dib loogu doortay  Gianni Infantino illaa sanadka 2027.

“Inaad noqoto madaxweynaha FIFA waa sharaf cajiib ah, waa mudnaan cajiib ah, sidoo kale waa mas’uuliyad weyn. Runtii aad iyo aad baan u khushuucay oo aad ii taabatay taageeradiina, waxaanan idiin ballan qaadayaa inaan sii wadi doono u adeegida FIFA, anigoo u adeegaya kubbada cagta aduunka oo dhan, una adeegaya dhamaan 211-ka urur ee xubnaha ka ah FIFA”. ayuu yiri Gianni Infantino.

Shirweynaha FIFA ee lagu qabtay magaalada Kigaali ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame iyo ergo kala socotay 208 urur oo qeyb ka ah FIFA.

Doorashdan Gianni Infantino dib loogu doortay madaxweynaha FIFA ma jirin cid kula tartantay.