Doorashada mid kamid ah kuraasta golaha shacabka oo lagu qabtay Magaalada dhuusamareeb

0
165

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa lagu qabtay doorashada kursiga golaha shacabka ee HOP#147 kaasoo uu baneeyay mahad Maxamed Salaad, waxana ku guuleystay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim kadib markii ay tanaasushay Aamino Tahaliil Warsame oo kursigan kula tartami laheyd.

Doorashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga KMG ee doorashada xubnaha ka banana golaha shacabka, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, maamulka degmada dhuusamareeb, xubno ka tirsan maamulka Galmudug iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.