Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maanta oo Sabti ah dalka Ghana waxaa looga dareerayaa codbixinta doorashooyinka madaxweynaha tan baarlamaanka, xilli dalkaasi dhaca Galbeedka Africa uu rajo ka qabo in uu kasoo kabto dhaqaala-xummadi ugu darreyd muddo sannado ah.
Madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa xilka ka dagi doona bisha soo socota, kaddib marki uu dhameystay labo muddo-xileed oo uu dastuurka u ogolaa, sidaasi darteed, doorashada maanta ayaa waxaa ku loollamaya ilaa 12 murashax.
Laakin tartanka ayaa loo arkaa mid si gaara ay ugu xafiiltami doonaan madaxweyne ku xigeenka Ghana Mahamudu Bawumia, oo ka socda xisbiga madaxweyne Akufo-Addo ee New Patriotic Party (NPP), iyo madaxweynihi hore ee Ghana John Dramani Mahama oo ka sharraxan xisbiga National Democratic Congress (NDC).
Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujisay in Mahama oo Ghana soo maamulay inti u dhaxeysay 2012 ilaa 2016, uu mar kale dib ugu soo laaban doono aqalka madaxtooyada.
Ghana ayaa ah dalka labaad ee ugu soo saarka badan miraha cocoa, isla markaana ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya dahabka. Waxaa ku nool ilaa 24 milyan oo ruux.