Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Faransiiska ayaa qarka u saaran inay dhacdo iyadoo Ra’iisul Wasaare François Bayrou ay u muuqato inuu lumin doono codka kalsoonida.
Isagoo la hadlaya baarlamaanka, Bayrou wuxuu sheegay in tani ay tahay “waqti run ah” wuxuuna ugu baaqayaa mudanayaasha inay ku heshiiyaan qaab wax looga qabanayo dhibaatada deynta ee soo socota.
In kasta oo lagu jira doodda daqiiqadihii ugu dambeeyay,waxa muuqata in Bayrou aanu si fudud u haysan codadka uu ku guulaysan karo, sida uu soo sheegayo weriyaheena Paris.
Haddii Bayrou uu dhaco, madaxweynaha Faransiiska u si dhaqso leh magacaabi doono m ra’iisul wasaare cusub, oo ah kii shanaad wax ka yar laba sano.


