Dowalada Nigeria oo lacago cusub soo saartay

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa maanta dalka Nigeria laga bilaabayaa lacago cusub oo loogu talagalay in lagula dagaalamo lacagaha been abuurka

Waxa la rajaynaya soo bandhigida lacagta cusub ee kala ah laba boqol, shanta boqol iyo kun ee naira in ay wax ka tari doonto lacagta xad dhaafka ah ee suuqa ku jirta iyo in uu yaraado sicir bararka.

Mid ka mid ah kooxaha afduubka geysta ayaa durba ka jawaabay soo saarista lacagta cusub waxayna kala badh ka dhimeen dalab madaxfurasho oo ay kadalbadeen dad ay horay uga afduubteen gobolka Zamfara, iyagoo ku adkaystay in lacagta madaxfurashada lagu bixiyo lacagaha cusub.