Dowlada hoose ee Baladweyne oo ku dhawaaqday inay bilaabeyso qaadista canshuuraha

0
569

Baladweyne(Radio Beerlula)- Duqa magaalada Baladweyne Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa radio Beerlula u sheegtay inay bilaabi doonaan 1-da bisha ogosto qaadista canshuuraha guryaha, shatiyada ganacsiga, xoolaha, iyo nuucyada kala duwan ee gaadiidka.

Marwo Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa tilmaamay in canshuuraha la qaado wax loogu qaban doono bulshada si looga marmo in wax laga sugo gacan shisheeye.

Duqa magaalada Baladweyne Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa sheegtay in lacagaha canshuurta lagu qaadi doono dollar islamarkana ay ku dadaaleyso sidii dib loogu soo celin lahaa lacagta shilinka Soomaaliga oo muddo ka badan labo sano laga isticmaalin magaalada Baladweyne.

Marwo Safiya ayaa xustay in soo celinta lacagta shilinka Soomaaliga ay la kaashan doonto wasaaradaha maaliyadda Hirshabeelle iyo Soomaaliya.

Bulshada magaalada Baladweyne ayaa xiligan la daala dhacaya sameynta ka dhalatay isticmaal la’aanta lacagta shilinka Soomaaliga taasoo ganacsatado badan oo ay ugu horeeyaan safrilayaasha suuqa ka saartay.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here