Dowlada Kenya oo suuqa ka saareyso daawada HIV-ga

0
96

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saraakiisha Kenya ayaa dib u celiyay dawo lagu farsameeyay gudaha dalka oo la siiyo bukaanada qaba HIV si ay u xakameeyaan heerka faafka ee fayraska jirkooda.

Guddiga farmashiyaha ayaa sheegay in go’aanka la qaatay ka dib markii Universal Corporation Limited oo ah soo saaraha, dawadan , ay ogaatay in kaniiniyada ay habooneyn.

Daawadu waxay ahayd isku darka qiyaas go’an oo saddex kiniin ka kooban kuwaasi oo kala ah Tenofovir, Lamivudine iyo Dolutegravir.

Ma cadda tirada bukaannada ee qaatay dawadan, balse 14 qaybood oo kamid ah daawadan ayaa loo qaybiyay isbitaallada.