Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq gaar raashin ah oo gaaraya 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.
waxaa sidoo kale dheeri ahaa 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir iyadoona isla maanta lagu dajiyay bakhaarrada Hay’adda.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.