Dowlada Soomaliya oo dib ufurtay wadooyin xirnaa oo kyaala magaalada Muqdisho

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo aay wheliyaan,wasiiro,xildhibaano iyo xubno kamid ah Maamulka Gobolka Banaadi ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qorshaha dib-u-furista 52 waddo oo muhiim ah oo sanado badan u xiranaa sababo amni dartood.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socday bulshada rayidka.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here