Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo coladii labada dal.

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan, ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday caasimadda Mareykanka ee Washington D.C iyadoona heshiiskan uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Mareykanka Donland Trump.

Labada dhinac ayaa ku heshiyay
In la soo afjaro colaaddii milatari ee labada dal muddada dheer u dhaxaysay, lana ixtiraamo midba midka kale maamulkiisa, dhulkiisa, iyo madax-bannaanidiisa.

Qodobadka kale ee lagu heshiyay ayaa waxaa ka mid ah in dib loo furo marinada muhiimka ah ee ganacsi iyo duulimaad ee labada dhinac.

Si loo xasuusto Trump iyo heshiiskan, waxay Azerbaijan , ugu magac dartay waddo isku xiraysa Baku iyo Nakhchivan waddada nabadda ee Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here