Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay kulan gaar ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid dalka.
Kulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.


