Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaarayo 19 Milyan

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Gargaaro oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya islamarkana ka shaqeysa horumarinta ganacsiga dalka iyo bangiga horumarinta jarmalka ee Germany (KFW) ayaa heshiis ku kacaya 19 malyan ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Heshiiskan ayaa ku qotoma sidii loo horumarin lahaa ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka sida Beeraha, Xoolaha, kaluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

Warbixintan waxaa inoo haya Aadan Cabdi Axmed.