Dowladd Jarmalka oo Xayiraad kusoo rogeysa in dadka Muhaajiriinta qoysaskooda geeyaan dalkaasi.

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha wasiirrada ee dalka Jarmalka ayaa ansixiyay hindise-sharciyeed uu soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Alexander Dobrindt, kaas oo xaddidaya fursadaha ay muhaajiriinta qaarkood qoysaskooda ku keeni karaaan Jarmalka.

Sidoo kale, sharciga ayaa meesha ka saarayaa nidaamka codsashada jinsiyadda degdegga ah ee muhaajiriinta si fiican ula qabsaday nolosha Jarmalka.

Sharciyadan ayaa weli u baahan in ay ansixiyaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka jarmalka.

Qaar ka mid ah ururada xuquuqda aadanaha ayaa si adag u cambaareeyay qorshahan, iyaga oo sheegay in uu dhibaato weyn ku keenayo qoysaska kala maqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here