Dowladda Congo iyo kooxda M23 oo wada hadal nabadeed ku yeelanaya Dooxa.

0
136

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ayaa sheegay inay ergo u diri doonaan Qatar wada-hadallo nabadeed, iyadoo Washington ay dadaal ugu jirto sidii loo joojin lahaa dagaallada si ay balaayiin ugu maalgashato macdanta Congo.

M23 ayaa haysata dhul ka badan intii hore ee bariga Congo ka dib markii ay weerar ku qaadeen horaantii sanadkan.

Dagaalkan oo ah kii ugu dambeeyay oo salka ku hayo xasuuqii Rwanda ka dhacay soddon sano ka hor ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Wada hadaladan nabadeed ee u dhexeya M23 iyo dowladda Congo ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladaha Mareykanka iyo Qatar waxana lagu wadaa in kulamadan ay dhacan bishan July dhaxdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here