Dowladda Hindiya oo sii deeysay qooleey xabsi ay dhigeen

0
87

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Danbi-baadhayaal kasoo jeeda Hindiya ayaa uga shakiyay in ay shimbirtu qabanaysay shaqo basaasnimo kadib markii lagasoo qabtay meel u dhow dekedda magaalada Mumbay.

Waxaa laga helay labo faraanti oo ku xidhnaa lugaheeda kuwaas oo muujinaya erayo u muuqda af Shiinays.

Qooleyda ayaa lagu eedeeyay in ay tahay Basaas Shiinays ah, markii la xaqiijiyay in ayna ahayna dib ayaa loogu sii daayay duurka.

Shimbirta ayay saraakiil kasoo qabteen bishii May ee sanadkii tegay meel u dhow dekedda magaalada Mumbay kadibna usii qaaday Isbitaaal Xayawaanadda ee magaalada Mumbay. Waxaa se la ogaaday sideed bil ka dib in shimbirtu ahayd mid kasoo duushay Taywaan.

Booliiska ayaa shimbirta u gudbiyay Kooxda ka Hortagta Danbiyada ka Dhanka ah Xayawaanadda halkaas oo dhakhaatiir baadheyaal ahi ku qireen in shimbirtu danbi la’aan tahay sidaasna ku fasaxay.

Qooleyda ayaa inta badan lagu eedeeyaa basaasnimo guud ahaanba taariikhda iyagoo ka qayb qaata gudbinta xogaha.