Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Baladweyne Yaxye Cabdiraxmaan Xuseen ayaa radio Beerlula u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan cidii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa webiga shabeelle oo inta badan biyiiisa ay ku tiirsan yihiin bulshada magaalada.
Yaxye Cabdiraxmaan Xuseen xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa marka hore sharaxaya dhibaatada lagala kulmo qashinka lagu shubo webiga shabeelle.
Cudurka shuban biyoodka ayaa inta badan ka dhasha marka uu biyo yareeyo webiga shabeelle islamarkana lagu shubo qashinka.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.


