Dowladda hoose ee Baladweyne oo gaadiidka xamuulka qaada ku amartay inaysan marin kartin labada buundo.

0
274

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ku xigeenka duqa magaalada Baladweyne Cabdi Xuseen Cismaan Canjeex ayaa radio Beerlula u sheegay in labada buundo ee magaalada laga joojiyay inay isticmaalan gaadiidka xamuulka qaada si looga hortago waxyeelo soo gaarta buundooyinka maadaam webiga shabeelle uu buux dhaafay.

Cabdi Xuseen Cismaan ayaa sheegay in gaadiidka xamuulka qaada rarka looga dajin doono labada dhinac ee buundooyinka.

Ku xigeenka duqa magaalada Baladweyne Cabdi Xuseen Cismaan ayaa sidoo kale radio Beerlula u sheegay in waalidiinta ku nool magaalada looga baahan yahay in caruurtooda ay ka ilaaliyaan webiga iyo kiliyada si aysan u qaadin.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here