Dowladda Imaaradka Carabta oo Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ku wareejisay Deeq Gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah

0
112

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa Deeq Gargaar ah oo iskugu jirta raashiinka nuucyadiisa kala duwan islamarkaana ka timid doowlada imaaraadka carabta kula wareegtay Dekadda magaalada Muqdisho waxaana raashiinkan loogu tala galay dadka barakacayaasha ee ay saameeysay abaarta.

Waxa ka qeyb galay madasha lagu wareejinayey deeqda gudoomiyaha hay’ada mareeynta masiibooyinka qaranka SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle,  safiir kuxigeenka safaarada imaaradka ee somaliya Seef Cali iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.