Dowladda Indonesia oo qaaday tallaabo ka dhan ah Israa’iil

0
86

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddiga Olombikada Adduunka (IOC) ayaa Indonesia ka mamnuucay inay martigeliyaan ciyaaraha caalamiga ah, kaddib markii Indonesia ay diiday inay fiisaha siiso ciyaartoyda Israel.

Xiriirka caalamiga ah ee ciyaaraha ayaa la faray in aysan Indonesia u ogolaan in ay martigeliyaan wax kasta oo ku saabsan ciyaaraha.

Dowladda Indonesia ayaa ku dhawaaqday in aysan siin doonin fiisaha kooxda Israa’iil ee ka qeyb galaysa tartanka Qalama-rogodka adduunka ee ka socda Jakarta iyaga oo ka soo horjeeda howlgalka milatari ee Gaza ka socda.

Guddiga Olombikada Adduunka (IOC) ayaa ku Xiriirka xiyaaraha fudud ee Israa’iil ayaa sheegay in go’aankani uu dhigayo “tusaale khatar ah” wuxuuna sidoo kale dhaleeceeyay Xiriirka ciyaaraha Qalama rogadka Caalamiga ah (FIG).

Guddiga fulinta ee IOC waxa uu qaatay mowqif adag, isagoo sheegay in ay si degdeg ah u joojinayaan dhammaan wada xaajoodyadii ay la lahaayeen Guddiga Olombikada Qaranka Indonesia (NOC) ee ku saabsan martigelinta Olombikada, Olombikada Dhallinyarada, ama dhacdo kasta oo Olombikada la xiriirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here