Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Britain ayaa qorsheyneysa inay hoos u dhigto da’da ugu yar ee darawallada tareenada ee 20 ilaa 18 si ay dhallinyaro badan u helaan fursad ay ku shaqeeyaan.
Soo jeedinta lagu dhimayo da’da ugu yar ee uu qofka ku kaxeyn karo Tareen ayaa la doonayaa in laga dhigo 18 sano , waxaana hindisahan Dowlada uu imika marayaa marxaladda wadatashiga.
Wadatashigan ayaa socon doona ilaa 13-ka bisha June ee sanadkan, hadii aan laga hor imaanna, sharciga hadda jira ayaa lagu wadaa in wax laga bedelo.
Tirada darawallada tareenada ee UK ee lagu wado inay howlgab noqdaan shanta sano ee soo socota ayaa kor u qaaday walaaca laga qabo in gabaabsi dhanka darawalada uu dhaco.

